xmlns="http://www.w3.org/2000/svg" viewBox="0 0 54 54">
Gå til indhold

Baadhitaanka kansarka dhuunta ilmagaleenka

Information in Somali: Screening for cervical cancer

Haddii ay da'daadu tahay inta u dhaxaysa 23 iyo 64, waxaa lagaa baadhi karaa kansarka dhuunta ilmagaleenka.

Baadhitaanku waxa uu heli karaa HPV (Fayraska burooyinka) ama unugyada aan caadiga ahayn gudaha dhuuntaada ilmagaleenka, haddii la daayo iyaddoon la daawayn, waxay keeni kartaa kansarka dhuunta ilmagaleenka.

Masuuliyiinta Caafimaadka Danishka waxay ku talinayaan baadhitaanka kansarka ilmagaleenka. Lakiin waa muhiim ah, inaad adiga naftaada go'aan garto.

One-pager

Pamphlet

Sababtee ayaa laguugu marti qaaday baadhitaanka?

Kansarka dhuunta ilmagaleenka waxaa lagaga hortagi karaa sahaminta HPV ama unugyada aan caadiga ahayn, ka hor inta aanay noqon kansarka. Sidaas awgeed, waxaa lagugu marti qaadayaa baadhitaanka xataa in kastoo aanad lahayn astaamaha kansarka dhuunta ilmagaleenka. Haweenka laga tallaalay HPV sidoo kale waxaa lagu deeqayaa baadhitaanka kansarka dhuunta ilmagaleenka.

Xataa haddii lagu baadho, weli waxaad qabi kartaa ama kugu dhici kara kansarka dhuunta ilmagaleenka. Waxaa muhiim ah, inaad la xiriirto dhakhtarkaaga haddii ad isku aragtid astaamaha qaska, tusaale ahaan dhiig bax aan la filayn ama xanuunka qaska.

Sidee loo sameeyaa baadhitaanka?

Baadhitaanka waxaa loo qaadaa sidii baadhitaana cudurada haweenka, waxaane qaado dhakhtarkaaga. Baaris unugyo ayaa laga qaadi doonaa dhuuntaada ilmagaleenka iyaddoo la adeegsanayo burush yar.

Haweenka badidood waxaa lagu wargeliyaa, in baaristoodu ay caadi tahay, Haddii baaristu ay muujiso unugyo aan caadi ahayn, waxaa lagu siin doonaa baadhitaano dheerad ah.

Waa maaxay faa'iidada baadhitaanku?

  • Haddii unugyada aan caadiga hayn la ogaado marxalada hore, xaalado badan oo kansarka dhuunta ilmagaleenka ah ayaa laga hortagikaraa
  • Haddii unugyada aan caadiga hayn la ogaado marxalada hore, waxaad yarayn kartaa khatartaada inaad si dhab ah u jirato oo aad u dhimato kansarka dhuunta ilmagaleenka.
  • Haddii kansarka horey loo ogaado daawayntu waxya noqon kartaa mid aan aad u baahsanayn.

Waa maaxay khasaaraha baadhitaanku?

  • Haweenka qaarkooda waxay la kulmaan raaxo darro la xidhiidha baadhitaanka cudurada haweenka. Waxay noqon kartaa fikrad wanaagsan inaad u sheegtid dhakhtarkaaga haddii aad dareento raaxa daro ku saabsan baadhitaanka.
  • Baadhitaanku wuxuu soo saari karaa shaki ku saabsan unugyo aan caadi ahayn, halka baarisyo dheeraad ah ay soo saari karaan, inay arrintaasi tahay diginin been ah. Muddada aad sugayso ee natiijooyinka baadhitaanka waxa ay sababi karaan walwal.
  • Xataa haddii baadhitaankaagu muujiyo inaanay jirin calaamadaha unugyada aan caadiga ahayn, waxaa laga yaaba inaad qabtid ama ay kugu so bilaabanayaan unugyada aan caadiga ahayn. Khatarta aan la arkaynin unugyada aan caadiga ahayn, wey yaraanaysa haddii aad baarintaanka si xirrir ah uga qeybgashid.
  • Waxaad halis u tahay, inaad heshid daawayn aan loo baahnayn, sababtoo ah baaritaanka wuxuu so saari karaa unugya aan caadi ahayn, oo aan kansar nooqonkarin. Daawaynta aan lama huraanka hayn waxay lahaan kartaa saamayn xun.
Opdateret 14 OKT 2025